Kalfadhiga golaha degaanka Garoowe oo furmay

Kalfadhiga 26 aad ee gollah degaanka Garoowe ayaa saaka ka furmay xarunta AJJ Hoteel ee caasimadda Garoowe.

Furitaanka kalfadhiga waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe, isimo, ganacsato culimaa’uddiin iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaya golaha degaanka, ahna duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse ayaa hadda jeedinaya waxqabadkiisi degmada ee lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshihiisa waxqabadka u diyaarsan lixda bilood ee oo socda.

Sawirro

PUNTLAND POST