Xildhibaannada golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa la filayaa in ay maalinta berriya oo Axad ku beagan ay ansixiyaan miisaanadda sagaal-biloodka ee sannadkan 2019.
Kulanka 24 aad ee kalfadhiga 43aad ee golaha wakiilada Puntland oo ku beegan maalinta berriya ayaa hab gacan-taag ah loogu codaynayaa miisaaniyadda sagaalka bilood ee ka harsan sannadkan taasi oo wasiirka Maaliyadda Puntland u gudbiyay golaha.
Miisaaniyaddan oo dhammaanteed laga soo min-guuriyay miisaaniyad-sannadeedkii hore ayaa xildhibaannadu maanta su’aalo ka weydiiyeen wasiirka Maaaliyadda kadib markii ay dood ka yeesheen maalmihii la soo dhaafay.
Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo warbaahinta Puntland Post la hadlay ayaa sheegay in ay maalinta berriya codkooda siin doonaan ansixinta miisaaniyadda maadaama ay sheegeen in aan wax turxaan leh ka muuqan.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa sheegay in ku celiska miisaaniyaddan aysan wax dhib ah ku jirin maadaama sida uu xusay xukuumaddii iyo Baarlamankii hore ay ka gaabiyeen diyaarinta miisaaniyad cusub taas oo uu sheegay in aysan eed ku lahayn xukuumaddan.
PUNTLAND POST