Madaxweynaha Puntland oo gaaray degmada Waaciye

Siciid Deni oo ku sugan Waaciye

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka ka socdaalay magaalada Qardho ayaa goor dhoweyd gaaray degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.

Madaxweynaha oo ku sii jeeda magaalada Boosaaso ayaa kormeer kooban ku  maray qeybo kamid ah degmada Waaciye iyo isbitaalka weyn ee degmadaasi waxaana uu la kulmay bulshada halkaasi ku dhaqan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku sii hakan doona degmada Carmo ee gobolka Bari iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolkaasi ka hor inta uusan tegin magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee tan iyo markii la doortay  uu ku tego gobollada Bari iyo Karkaar ayaa madaxweynuhu ugu kuur-gelayaa xaaladda amni iyo tan nololeed ee ka jirta gobolladaasi.

PUNTLAND POST