
Shir deg deg ah oo ku saabsan xal u helidda amniga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa haatan ka socda gudaha Boosaaso.
Shirkan oo ay xaadir ku yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadda maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso iyo saraakiisha kala duwan ee laamaha amniga gobolka Bari ayaa looga arrinsanaya waxka qabashada xaaladda nabad gelyo ee degmada Boosaaso oo maalmahan ka sii daraysa.
Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo guddoominaya shirkan ayaa mas’uuliyiinta kala duwan ee madasha ku sugan ka dalbaday in ay soo gudbiyaan ra’yigooda ku aaddan sida loo xaqiijin karo amniga Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari.
Shirkan oo goor dhoweyd bilowday ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku wajahanyahay magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha ayaa hadda ku sugan degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar halkaasoo uu ku sii hakaday.
You must be logged in to post a comment.