Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax qasaare geeystay ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay gudaha Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay maqaaxi ku dhow Hoteelka Wehliye oo ku yaala wadada Makka Al-Mukaraka ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in uu jiro qasaare hayeeshee tirada rasmiga ah aysan sheegi karin.

Waxaa soo baxaya digniino ku aadan qaraxyo kaga cabsi qabo in ay ka dhacaan Muqdisho.

Faah faahinta dib kala soco insha Allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland post Muqdisho