
Xukuumadda Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday degaanno ka tirsan Puntland oo abaar iyo biya la’aan daran ka jirto inkastoo aysan magacaabin degaannadaasi.
Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo ka warbixiyay shirkii Khamiista maanta ee golaha wasiirada Puntland oo uu guddoomiyay madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan ayaa sheegay in xukuumaddu ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday degaanno ka tirsan Puntland oo abaar iyo biya la’aan darani ka jirto.
Sabareey wuxuu intaasi raaciyay in guddiga abaaraha Puntland oo uu guddoomiye u yahay maadxweyne ku xigeenka loo xil saaray in ay booyadaha biyaha gaarsiiyan meelaha loogu tala galay ee abaartu sida ba’an u saamaysay.
Halkaan ka daawo
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.