Faahfaahin: Khasaarihii ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa khasaaraha ka dhashay qarax gaari oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala wadada mashquulka badan ee Makka Al-Mukarama ee Muqdisho.

In ka badan 15 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhawacmeen qaraxaasi.

Dadka dhintay ayaa waxa ay ahaayeen dadkii ku sugnaa goobta maqaaxida ah, dad wadada Bajaaj ku marayay iyo dad lugeynayay.

Ciidamada amaanka ayaa xeray halkii qaraxa uu ka dhacay.

Puntland Post