Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni iyo wadfdi uu hoggaaminayo ayaa maanta sii diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa oo saaka ka ambabaxay caasimada Puntland ee Garowe ayaa ku sii hakaday degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, wuxuuna kulan gaara la qaatay madaxweynuhu waxgaradka, maamulka degmadaas.
Madaxweynaha Puntland ayaa looga hortagay banaanka magaalada Qardho, iyadoo soo dhaweyntiisa ay ka qeyb qaateen maamulka gobolka, kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Deni ayaa hadal ka jeediyay barxada Qardho oo ay ku sagayeen boqolaal dadweyne ah, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, sidoo kale wuxuu ka hadlay amniga Puntland iyo doorashooyinka.
Madaxweyne Deni ayaa shacabka ka codsaday in dowladda lala shaqeeyo, layskana daayo hadalada hoos ka tuurka ah, sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in Qardho noqon doonto meelaha u horeeya ee laga qaban doono doorasho hal qof iyo hal cod ah.
Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa dhagax dhigay wado laami ah oo isku xiraysa magaaladda, xerada ciidamada Xorgoble iyo xabsiga, iyo sidoo kale qayb cusub oo lagu kordhinayo xerada ciidamada ee Xorgoble.
Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa ayaa inta uu Qardho joogo kulamo la qaadan doona maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna uga sii safri doonaa magaalada Boosaaso, isagoo ku sii hakan doona degmooyinka laamiga.
Kani waa socdaalkii ugu horeeyay oo Madaxweyne Deni kaga baxo caasimada tan iyo markii la doortay 8-dii janaayo 2019.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.