Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed oo saaka u socdaalay gobolada Bari iyo Karkaar ayaa haatan gaaray magaaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray magaalada Qardho waxaa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada xubno ka tirsan golayaasha dowladda oo halkaasi uga sii horreeyay iyo dadweyne isaga yimid xaafadaha degmadaasi Qardho.
Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee madaxweynuhu uga baxo caasimadda Garoowe tan iyo markii la doortay ayuu ugu kuur-gelayaa xaaladda ka jirta gobolada Bari iyo Karkaar gaar ahaanna magaalada Boosaaso oo waayadan dambe aan amnigeedu fiicneyn.
PUNTLAND POST