Maamulka degmada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa dhammaan gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaanno (PL) ka mamnuucay in ay rakaabka ka dejiyaan daaqadda laamiga xigta si looga fogaado shilalka.
Amar ka soo baxay duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse oo lagu socod-siiyay taliska ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Nugaal iyo saldhiga dhexe Garoowe islamarkaana la ogaysiiyay dhinacyada ay khusayso ayaa gaadiidka PL-ka looga mamnuucay in ay rakaabka ka dejiyaan daaqadda laamiga xigta si looga fogaado shil khasaare naf iyo maal geysa.
Duqa ayaa sidoo kale gawaarida aan dhanka bidix daaqadda ku lahayn u qabtay mudda saddex bilood ah oo ay ku samaystaan daaqadda dhanka bidix isagoo ku hanjabay in wixii wakhtigaa ka dambeeya aan loo ogolaan doonin.
Halkaan ka akhriso

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.