Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa saaka ku dhawaaqay in saddex degmo oo Puntland ka tirsan si tijaabo ah doorasho qof iyo cod ah looga samayn doono dhammaadka sannadkan 2019.
Wasiirka ayaa sheegay in saddex degmo si tijaabo ah looga qaban doono doorashada golayaasha degaanka oo loogu tartami doono habka qof iyo cod balse ma uusan magacaabin degmooyinka qorshaysan.
Mudane Dhabancad ayaa sheegay in haddii tijaabadaasi guulaysato dhammaan degmooyinka Puntland sannadka soo socda laga qaban doono doorashooyinka golayaasha degaanka oo loogu tartami doono nidaamka qof iyo cod.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan-bulsho oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Halkaan ka daawo
PUNTLAND POST