Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada oo la dhaawacay iyo Qarax ka dhacay Xamar

Muqdisho (PP) ─ Taliyihii ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia oo lagu magacaabo, C/fataax Daba-gaalle ayaa goor-dhawr lagu dhaawacay illinka hor ee xarunta madaxtooyada Somalia, iyadoo dhaawiciisa loola cararay mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho.

Askari ka tirsan ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaa la sheegay inuu ku faray rasaas taliyaha, kaddib markii uu dhex-maray muran ku saabsan lacag, taasoo keentay in taliyaha uu dhaawac soo gaaro.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga dhaawaca geystay uu goobta isaga baxsaday kaddib markii uu ogaaday inuu taliyihiisa dhaawacay, iyadoo aysan jirin wax war ah oo weli kasoo baxay madaxtooyada Somalia.

Falkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca Villa Somalia tan iyo markii madaxweyne loo doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo tani ay kusoo beegmayso iyadoo dhawaanahan uu jiray muran mushaar oo u dhexeeya ciidamada DF iyo Xukuumadda.

Sidoo kale, Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga iyo taliyuhu uu muran dhex-maray ka hor inta uusan falku dhicin, iyadoo askarigu uu taliyihiisa ku eedeeyay inuu musuqmaasuqay uuna lunsaday lacago uu isagu lahaa.

Dhanka kale, Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay Qarax uu ku dhintay wiil dhallinyaro ah uuna ku dhaawacmay aabihiis, sidoo kalena ay dhawr qof ku dhaaacmeen.

Gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa ahaa gaari si gaar ah loo leeyahay, wuxuuna ku qarxay agagaarka isgoyska KM-4, waxaana qaraxan uu saamayn xoog leh ku yeeshay gaadiid kale oo goobta ku sugnaa, kuwaasoo iyaguna goobta ku gubtay.

Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku soo badanayay Qaraxyada gaadiidka lagu xiro iyo kuwa tooska ah, iyadoo DF ay wax ka qaban la’dahay falalka ammaan-darro ee caasimadda kusoo badanaya.

PUNTLAND POST