Roobabkii gu’ga ayaa galabta ka curtay, degaanno hoosyimaada gobolada Sool, Cayn iyo Nugaal oo dhammaantood ka tirsan dhulka dowladda Puntland.
Gobolka Cayn: degaannada uu roobku maasheeyay(buuxiyay) waxaa kamid ah; magaalada Buuhoodle iyo tuulooyin hoosyimada oo ay ku jiraan Dhilaalo iyo Qurac-dhallaan halkaasoo ay dadka deggan soo sheegayaan in hogol mahiiggaan ah xareedda wartay.
Gobolka Sool: Xoola-dhaqato ku sugan nawaaxiga tuulada Qoriley, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in roob teel-teel ah uu ka da’ay toolooyinka Qoriley iyo Kalabaydh, balse dhulka miyiga ah ee u dhexeeya meelaha qaar aysan roobsan.
Gobolka Nugaal: Ilaa iyo hadda waxa la soo sheegay in roob aan sidaas u badneyni oo ka da’ay tuulada Jalam iyo dhulka miyiga ah ee u ogog leh(ku dhow), sida balliyada Gowracane iyo Sangurmo oo daruur yar ku hoortay.


Wixii ka soo kordha roobabka kala soco Puntland Post
You must be logged in to post a comment.