Madaxweyne Famaajo oo qiray in dhawr bilood aysan Ciidanku qaadan Mushaar

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay la hadlayay saraakiisha ciidamada xoogga ayaa shaaciyay in muddo 22 bilood ah oo u dhiganta sanad iyo 10 bil ay DFS si toos ah u bixinaysay mushaaraadka ciidamada.

Farmaajo ayaa qiray in ciidamada aysan qaadan mushaaraadkooda muddo seddex bilood ah, isagoo intaas ku daray in meelo kale lagu mashquulay, laakiise labada sano ee u haray Dowladdiisa in xoogga la saari doono sidii ciidamada xaqooda loo siin lahaa mushaaraadkooda iyo saadadka ay u baahan yihiin.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa ku sheegay in cadowga dibadda ay doonayaan in Somalia ay sidaan kusii jirto, isla markaana ay taas ugu wacan tahay goobta muhiim ah ee dalkeennu ku yaallo.

“Runtii Somalia waxaa haysta cadaw fara badan oo kala ah kuwo dibadeed iyo kuwo gudaha ku sugan, midka dibadda wuxuu doonayaa in Somalia ay sidan ku jirto weligeed,” ayuu yiri Farmaajo.

Isgaoo sii hadlaya ayuu intaas raaciyay. “Adduunka oo dhan waxaa alla wixii kaa awood badan waxay rabaan inay ku maamulaan, wayna ku dagaalsan yihiin sidii ay noo maamuli lahaayeen, waxay haystaan dad walaalaheen ah oo shaqada u qabanayo.”

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in ujeedada ka dambeysa ay qayb ka tahay in damiirkii Soomaalinimo aad meel iska dhigto oo wax walba aad haa tiraahdo, sidoo kalena la iska gurto kheyraadka ku jira dalka.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa saraakiisha ciidamada ka dalbaday inay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab, isagoo u ballan-qaaday in joogto loo siin doono xuquuqdooda.

DHAGEYSO: Khudbadda uu Madaxweynaha Somalia kaga hadlay Arrimahan;

PUNTLAND POST