Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta berri ah ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan madaxtooyada Garoowe.
Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee madaxweynuhu Garoowe uga baxo tan iyo markii la doortay ayaa soo dhoweyntiisa caawo laga dareemaya gudaha degmada Qardho iyadoo sawirkiisa iyo calanka Puntland laga taagay qarar kamid ah waddooyinka Qardho.
Maadxweynaha oo u kuur-gelaya xaaladda gobolada Karkaar iyo Bari ayaa ku sii hakan doona degmooyin badan oo ka tirsan labadaasi gobol isagoo ugu dambeyn sida qorshuhu yahay tegi doona magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
PUNTLAND POST