Dowladda Puntland oo kulan deg deg ah isugu yeertay guddiga saxaafadda

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cali Xassan Axmed (Sabareey) ayaa kulan deg deg ku wargeliyay, xubnaha guddiga sare ee saxaafadda Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka, ayaa guddiga sare ee saxaafadda Puntland lagu wargeliyay, in ay kulan deg deg ah u yimaadan xarunta wasaaradda maalinta Arbacada ah ee ku beegan 3/04/2019.

Kulanka ayaa sida qoraalka ku xusan looga arrinsanayaa, dardar-gelinta shaqooyinka guddiga saxaafadda Puntland.

Halkan ka akhriso

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar