Dowladda FS oo Caddeysay Mowqifkeeda ku Aaddan Lahaanshaha Golan Heights

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia, ayaa war kasoo saartay xiisadda ka taagan buuraha Golen ee dhawaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in Yahuudda ay leedahay, Soomaaliyana ay ka mid noqotay dalalkii ka aamusay kulankii lagu cambaareeyay Arrintan ee ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Qoraalka DF ayaa u qornaa sidan: Xukuumadda Federaalka Somalia waxay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida.

Dowladda Somalia waxay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxaa looga bartay inay mowqif ka istaagto murannada soo dhex-gala dowladaha caalamka, taasoo sababtay in dalal badan oo caalamka ay ka caroodeen mowqifyada Dowladdu ay qaadato marka ay muranno soo if-baxaan.

PUNTLAND POST