Beesha Caalamka oo sheegtay inay soo dhaweyneyso isbedellada ay waddo DF

Muqdisho (PP) ─ Beesha Caalamka ayaa qoraal ay maanta soo saartay shaaca uga qaadday inay si buuxda u taageereyso is-beddelada amni ee ay wado dowladda federaalka Somalia.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hindisaha uu Ra’iisul Wasaare Kheyre u soo bandhigay saaxiibbada ee is-beddelada dhinaca amniga iyo Qorshaha Dowladda Somalia ee ah inay sii waddo hormarinta Ammaanka dalka.

“Waxaa soo dhaweynaynaa go’aanka Dowladda Federaalka ah Somalia ay ku fulineyso is-beddelada lagama maarmaanka ah ee Ammaanka, Dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xariiqeynaa taageeradeena shaqadan,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Sidoo kale, Beesha caalamka ayaa sheegtay in RW Kheyre ay mar kale kula kulmi doonaan magaalada Washington ee wadanka Mareykanka, halkaasoo bisha Abriil ee sannadkan lagu qabanayo kulanka Somalia ee hay’adaha IMF iyo Bankiga Adduunka.

“Waxaan sugaynaa go’aannada muhiimka ah ee ku saabsan sii wadidda taageerada AMISOM oo mas’uuliyadda Ammaanka Somalia ku wareejineysa ciidamada Qalabka sida,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay dalalka daneeya Somalia inay taageeraan oo ay kala shaqeeyaan DF sidii ay ugu guuleysan lahaayeen is-beddellada ay wadaan ayada oo loo marayo wada-hadallo loo dhan yahay.

PUNTLAND POST