Shir diyaarado lagu waardiyeynayo oo ka socda magaalada Boosaaso

Saraakiil sare oo ka socota hawgalka Midowga Yurub ee  ka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Boosaaso kula shirsan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland sida ay xaqiijiyeen xubno ka warhaya shirkaasi.

Wefdiga saraakiisha oo ka socda hawlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaan   the European Union Naval Force ATALANTA (EU NAVFOR) ayaa ka soo degay markab dagaal oo xeebta ku sugan waxaana ay saaka aroortiii soo galeen magaalada Boosaaso iyagoo ay dusha sare ka waardiyeynayaan diyaaradaha sahanka.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Puntland iyo saraakiisha Midowga Yurub ayaa haatan shir uga socda garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso inkastoo aan faahfaahin laga hayn  qodobada ay ka wada-hadlayaan labada dhinac.

Faahfaahinta kala soco Puntland post