Xildhibaannada golaha degaanka Gaalkacyo ayaa galabta duqa cusub ee degmadaasi u doortay Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn oo kamid ahaa 2-dii murashax ee u tartamay xilkaasi.
Saahid Sayn ayaa 23-cod kaga guulaystay murashixii la tartamayey Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne oo isna helay 7-cod waxaana xumaaday 1-cod.
Dhammaan 31-da xubnood ee golaha degaanka Gaalkacyo oo ay ku jiraan 2-da murashax ayaa codkooda u dhiibtay hab-qarsoodi ah.
Waxaa haatan loo gudbaya doorashada guddoomiye ku xigeenka degmada oo mar dhow bilaabanaysa.
PUNTLAND POST