Madaxweyne Farmaajo oo kormeerro ku maray Xeryaha Ciidammada Dowladda

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa ku tagay maanta kormeer qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Muqdisho.

Farmaajo iyo xubnaha la socda ayaa kormeeray Wasaarada Gaashaandhiga Somalia iyo Xerada Jenaraal Gordon iyo kuwo kale, wuxuuna halkaasi kula kulmay saraakiisha ciidan.

Saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in waxyaabaha uu madaxweynuhu kala hadlay saraakiishuu la kulmay ay qayb ka ahaayeen cabashada ciidamada ee mushaar la’aanta afarta bilood haysatay, taasoo ay u sii dheer-tahay in laga goostay saadkii cunno.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamadii uu soo arkay wuxuu u sheegay inay heli doonaan wax kasta oo ay xuquuq u leeyihiin, isagoo ka dalbaday inay ammaanka dalka sugaan, ayna qaadaan duullaan ka dhan ah Al-shabaab.

Dhanka kale, Ciidamada Koofiyad casta loo yaqaan ee madaxtooyada gaarka ka haya ayaa saakay xiray inta badan waddooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku dhaw xarumaha uu madaxweynuhu booqday, iyadoo muddadii ay waddooyinku xirnaayeen ay shacabku cagahooda maalayeen.

Madaxtooyada Somalia wali wax war ah kama soo saarin kormeerka saakay uu madaxweyne Farmaajo ku tagay xeryaha ciidamada, iyadoo socdaalkan loo diiday iay qayb ka noqoto warbaahinta dowladda iyo madaxa bannaan ee ka hawlgala Muqdisho.

Kormeerka madaxweyne Famaajo uu maanta ku maray xeryaha ciidamada ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay ciidamada dowladda sameeyeen gadood ay kaga cabanayeen mushaar iyo cunno la’aan socotay muddo afar bilood ah, inkastoo madaxda dalka ay inkireen cabashadaas.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa todobaadkii hore sheegay in dalalka Turkiga, Imaaraadka iyo Ingiriiska ay joojiyeen malaayiin doollar oo ay ku bixin jireen mushaar ahaan ciidamada.

PUNTLAND POST