Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa goordhow soo gaaray Muqdisho.

Xubo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa ku soo dhoweeyay Madaxweyne Axmed Madoobe garoonka Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa watay ciidamo gaar ah ayaa ka soo dagay garoonka Aadan cadde ee Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu kulan la qaato madaxda dowlada Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa hore u balan qaaday in uu imaanayo Muqdisho tan iyo markii la xaliyay qilaafkii dowlada iyo jubbaland markii Ra’isilwasaare Kheyre uu tagay Kismaayo.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku cadaadineeysa Axmed madoobe in uu san isku soo sharixin jagadada madaxtinimo ee maamulkaasi hayeeshee Axmed Madoobe ayaa doonaya in markale uu qabto xilka madaxtinimo ee maamulkaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho