Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo hargeysa lagu xiray

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu xiray wasiirkii Warfaafinta ee maamulkaasi.

Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo eedaymo musuqmaasuq oo loo haysto.

Wasiirka ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu ka soo muuqdo maxkamada Hargeysa.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa baaritaano ku bilaabay wasiirada maamulkaasi oo ku aadan musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Wasiir Guribarwaaqo ayaa si ku meel gaar ah xilkii wasaarada warfaafinta ugu wareejiyey wasiir ku xigeenkiisa Maxamed Muuse Abees.

PUNTLAND POST