Isbadal lagu sameeyay saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa isbadal ku sameeyay saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir iyo taliyaasha saldhigyada degmooyinka Muqdisho.

Hoos ka Aqriso isbadalka.

Maxamed Jeego oo hore u ahaa taliye ku-xigeenkii Nabadsugida G/Banaadir ayaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Banaadir.

C/fataax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan ayaa loo dalacsiiyey Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeenkiisana loo magacaabay Shuceyb Abdi.

Yaasiin Nur Khayre: ayaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka Qeybta bartamaha.

Bashiir Cabdi Siyaad, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Hodan.

Najiib Carab ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Boondheere.

Liibaan Shidane, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Kaaraan.

Xuseen Cadceed ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Wardhiigley

Ismaaciil Muuse Yuusuf: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska Dharkeynley.

Axmed Taree, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Kaxda

Axmed Khadar: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Xamarweyne.

Maxamed C/qaadir: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay Taliso Abtidoon.

Puntland Post