Xildhibaan ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka mamaamulka Hir-shabeelle ayaa ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray Muqdisho.

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgooye ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhintay labo ruux oo kale oooahaa dad shacab ah.

Xildhibaanka qaraxa ku dhaawacmay ayaa lagu magacaabaa Xildhibaan Salaad Sheekh Xuseen wuxuuna ka tirsan yahay Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Qaraxa ayaa ku xirnaa gaariga xildhibaanka uu watay waxaana dhaawaca xildhibaanka lagu dabiibayaa mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho.

Waa qaraxii 5-aad ee maanta ka dhaca Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Puntland Post