Qaraxyo iyo rasaas ka socoto Muqdisho

Goordhow waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo si weyn looga maqlay guud ahaan caasimada.

Qaraxyada ayaa ahaa ilaa labo qarax oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa.

Qaraxyada ayaa lagu weeraray xarunta Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku taala isgooyska Jubba ee Muqdisho.

Sidoo kale rasaas ayaa laga maqlayaa halka ay qaraxyada ka dhaceen.

Faah faahinta dib kala soco insha allah

Puntland Post