Madaxweynaha Puntland oo guddi u magacaabay xulista Golaha degaanka Gaalkacyo

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddi u magacaabay xulista xildhibaannada golaha degaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa loo xil saaray in ay ka shaqeeyan soo xulista iyo kala hufidda xildhibaannada golaha degaanka degmada Gaalkacyo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku amray dhammaan dhinacyada ay khusayso xulista golaha degaanka in ay guddiga hawshiisa u fududeeyaan.

PUNTLAND POST