Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Muqdisho iyo Wasiir ku xigeen lagu dilay

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen xarunta wasaarada shaqada iyo shaqaalada ee dowlada Soomaaliya oo ku taalo isgooyska Jubba ee Muqdisho.

Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay allaha u naxariistee wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo shaqaalaha xukuumada Soomaaliya ahaana xildhibaankatirssanaa Baarlamaanka Saqar Ibraahim Cabdala.

Ciidamada amaanka ayaa toogtay 4 ruux oo weerarkaasi soo qaaday.

Wali laamaha amniga ma faah faahin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa maanta qaraxyo ku weeraray xarunta wasaarada shaqada iyo shaqaalaha iyaga oo sheegay in ay dileen masuuliyiin dowlada katirsan.

Puntland Post