Khaliijka iyo Qorshaha daahsoon ee Soomaaliya; waa magaca buug uu qoray nin lagu magacaabo, Daljir Cabdullaahi Halgame oo xalay ku soo bandhigay, magaalada Garoowe eecaasimadda Puntland.
Sida ka muuqata cinwaanka sare ee buuggan, dadka aan weli akhrisan waxay moodayaan, in uu ka hadlayo siyaasadda dalalka Khaliijka ee ku wajahan Soomaaliya, balse arrintu sidaas maaha.
Dhammaan cutubyada kala duwan ee buuggan ka koobanyahay, waxaa si guud iyo si gaar ahba loogu aflagaaddeeyay, qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee loo arko in ay saamayn ku yeelan karaan doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee sannadka 2021-da.
Siyaasiyiinta sida ba’an loogu weeraray, waxaa kamid ah Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo laba jeer ra’iisul wasaare ka soo noqday dalka iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wasiir iyo ra’iisul wasaareba soo noqday, islamarkaana ahaa madaxweynihii Puntland ka horreeyay Siciid Cabdullaahi Deni.
Qoraaga buuggan ayaa labadaas siyaasiba ku shaabbadeeyay, daba-dhilifyo qaran-dumis ah oo Imaaraadka Carabta wakiil uga ah Soomaaliya, halka uu Cumar Cabdirashiid ku gaar yeelay iibsiga qeyb kamid ah badda Soomaaliya, inkastoo uusan wax caddayn ah raacin.
Sidoo kale, buugga waxaa lagu jaa’ifeeyay, siyaasadda madaxweynayaashii ka horreeyay Farmaajo ee Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamuud oo haatan kamid ah siyaasiyiinta dhaliilsan xukuumadda Farmaajo, islamarkaana hoggaamiya xisbiyo siyaasadeed oo u tabaabushaysanaya doorashada 2021-da.
Waxaa intaas dheer, qormo ku xusan buugga oo iyadana si dadban loogu aflagaaddeynayo, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hoggaamiya Xisbiga Wadajir kana mid ah mucaaradka xukuumadda Farmaajo, kaasoo laftiisa loo arko in uu qeyb ka noqon doono tartanka doorashada 2021-da.
Dhinaca kale, buugga waxaa si qayaxan loogu caayey, madaxda dowladda goboleedyada dalka oo lagu tilmaamay “horjoogayaal beeleed” oo u kala tartamayaa in ay dalka gumaysi gacanta u geliyaan.
Qoraaga oo la sheegay in uu kamid yahay taageerayaasha Villa Somalia, ayaa buuggiisan xalay u soo bandhigay qaar kamid ah ardayda wax ka barata magaalada Garoowe, waxaana la sheegayaa in uu u sii gudbi doono magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, si uu halkaasi u gaarsiiyo.
Qormooyin kamid ah buugga



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.