Muslimiintii lagu laayay New Zealand oo loo sameeyay baroor-diiq Qaran

Christchurch (PP) ─ Dalka New Zealand, ayaa maanta si toos ah loo baahiyay aadaanka iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo aadaanka si toos ah looga maqlo dibada masjidka, waxaana dalkaas oo dhan laga aamusay muddoo laba daqiiqo ah si loo dhageysto codka dadka muslimiinta ah loogu dhawaaqayo.

Arrintan oo lagu beegay Salaaddii khudbada ee maanta ayaa qayb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal isbuuc oo kasoo wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad ku tukanayeen jimcadii lasoo dhaafay.

Ra’iisul wasaaraha NZ, Jacinda Ardern ayaa ku biirtay kumannaan ruux oo ku baroor-diiqayay meel u dhaw masaajidka Al-Nuur oo ahaa masjidkii ay ka dhaceen khasaarihii ugu badnaa ee toogashada.

Imaam, Gamal Fouda oo salaaddii jimcada ee maanta Tujiyay muslimiinta ayaa yiri. “Qalbiga ayaa naga jabay balse innaga oo dhan ma aynaan jabin.” Isagoo sheegay inaysan tallaabadii foosha xumayd ee lagula kacay niyad-jabin doonin.

Sidoo kale, Illaa 50 muslimiin ah ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan labada masaajid u geystay 15-kii bishan, xilli ay dadkaasi ku guda jireen salaaddii jimcaha, halka tiro kalena ay dhaawacmeen.

Ninka falkan geystay oo lagu magacaabo Brenton Tarrant ayaa u dhashay dalka Australia, waxaana lasoo taagay maxkamad iyadoo lagu eedeeyay inuu falkaas geystay, waxaana la filayaa in dacwado kale lagu soo oogo.

Khamiista lasoo dhaafay ayay Ra’iisul Wasaaraha NZ, Jacinda Ardern amar ku bixisay in dalkeeda laga mamnuuco guud ahaan hubka daran-daroorriga u dhaca oo uu adeegsaday ruuxii falkaan naxdinta leh geystay.

Dhanka kale, Dad gaaraya kumannaan qof ayaa isugu tagay fagaare u dhaw masjidka Al-Nuur, si ay u xusaan Jimcada Qaran ee kasoo wareegtay markii uu dhacay falkii lagu laayay dadka. Waxaana Telefishinnada dalkaas maanta laga baahiyay salaaddii jimcaha.

Ugu dambeyn, Khudbad ay jeedisay Ra’iisul Wasaaraha NZ, Ardern ayay ku sheegtay in New Zealand ay la barooranayso muslimiinta dalkaas, aysanna ogolaan doonin in fal noocan oo kale ah uu mar dambe ka dhaco dalkeeda, iyadoo tusaale u soo qaadatay sida ay Muslimiintu isugu damqadaan marka ay dhibaato ku dhacdo.

PUNTLAND POST