Machadka Heritage oo Warbixin kasoo saaray Xukuumadda Farmaajo

Muqdisho (PP) ─ Machadka Cilmi-baarista Siyaasadda Soomaaliya ee Heritage oo xaruntiisu tahay Muqdisho ayaa toddobadkan soo saaray warbixin dheer oo u ka qoray Dowladda uu hoggaaminayo Farmaajo tan iyo markii xilka loo doortay oo laga joogo laba sano.

Warbixinta Heritage, ayaa lagu billaabay sidan: Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay, 8-dii Febraayo 2017-ka, isagoo ballan-qaaday in uu horseedayo is-baddel weyn, sugayo amniga, xasilinayo siyaasadda, musuq-maasuqa, kobcinayo dhaqaalaha, la dagaalamayo, uuna la imaanayo siyaasad arrimo dibadeed oo sarraysa.

Laba sano kaddib, haddii la qiimeeyo waxqabadka Madaxweynaha, waxaa soo baxaya, in qorsha-yaashiisii qaar, ay u suurto galeen, kuwo kale oo badan oo uu ballan qaaday xilligii doorashada iyo Shirkii London-na – aanay waxba ka hirgelin.

Dhanka guulaha, Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre (XFK) waxay guulo wax ku ool ah ka gaareen dadaalada in Soomaaliya deynta laga cafiyo, waxay xawaare geliyeen wada xaajoodka hay’adaha maaliyadda adduunka (sida Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF), waxay kordhiyeen dekhliga dowladda, waxay ku guuleysteen kasbashada kalsoonida shacabka, waxayna ku mintideen wada-shaqaynta hay’adda fulinta (Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad), sidaas oo ay tahayse, ma hirgelin in badan oo ahaa ballan-qaadyadii Madaxweynuhu doorashada ku galay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ballan-qaadyadii Farmaajo ay waxba iska soo tari waayeen, kuwaa soo ay ka mid ahaayeen in Xukuumaddu ay uga adkaan doonto Al-shabaab muddo laba sano ah. Sidoo kale waxaa ku jiray in sidoo kale uu ku guul-darreystay ballan-qaadkiisii ahaa inuu furayo waddooyinka Muqdisho ee xiran, taas badalkeedana waxaa si aad ah u sii kordhay xirnaashaha wadooyina Muqdisho.

Ugu dambeyn, Qodobbada kale ee lagu dhaliilay inay xukuumaddu wax ka qaban wayday ayaa waxaa ka mid ah, amniga iyo siyaasadda, kuwaa soo la sheegay in dowladdu ay ku fashilan tahay, isla markaana aan looga fadhin inay wax ka qabato sannadaha u haray.

AKHRISO: Warbixinta Machadka Heritage uu kasoo saaray Dowladda Farmaajo

PUNTLAND POST