Ammaanka Villa Somalia iyo garoonka diyaaradaha oo si aad ah loo adkeeyay

Muqdisho (PP) ─ Cabsi dhanka ammaanka ah ayaa la sheegayaa inay ka jirto garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo weliba xarunta madaxtooyada oo ay dowladdu ku shaqeyso, iyadoo ciidammo badan la dhigay labadan goob ee muhiimka ah

Wararka ayaa sheegaya in ciidammo badan la geeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halka ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya banaanka loo soo saaray iyagoo wata gaadiidka dagaalka, si ay uga hortagaan isku day walba oo la doonayo in lagu weeraro.

Ciidammo badan ayaa lagu arkayay maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo wararka aan helayno ay sheegayaan in tani ay ka dhalatay ciidammo la sheegay inay dhawaan mushaar la’aan uga soo baxeen furumihii ay kaga sugnaayeen qaybo ka mid ah gobollada shabeellooyinka.

Sidoo kale, Ciidamada gaarka ah ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya, ayaa dibadda loosoo saaray, iyadoo afarta koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada la dhigay gaadiidka dagaalka, iyadoo ciidamada halkaas la geeyay ay ka muuqato feejignaan dheeraad ah.

Dhanka kale, wararka ayaa intaas ku daray in madaxtooyda laga joojiyay in agagaarkeeda lala yimaado wax ka badan afar askari oo istaaf ah, iyadoo lagu war-geliyay wasiirrada inay dhimaan ilaaladooda marka ay imaanayaan Villa Somalia.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa cabsi weyn ka muujsay in isku day af-gambi ay sameeyaan ciidamadii dhawaan kasoo baxay furumihii ay gobolada dalka uga jireen, inkastoo ciidamadan aanay ujeedkoodu ahayn inay in-qilaab ka fuliyaan dalka.

Ugu dambeyn, Marka laga soo tago ciidamada gadoodka sameeyay ayaa la sheegayaa in cabsida ay qayb ka tahay Kooxda Al-shabaab oo ay dhici karto inay gudaha u soo galaan caasimadda dalka, haddii ciidamadu ay furumaha soo faarujiyaan.

PUNTLAND POST