44 ruux oo ku dhintay qarax Kiimiko ka dhashay

44 ruux ayaa geeriyootay waxaana ku dhaawacmay 90 ruux kadib qarax ka dhacay kiimiko oo ka dhacay shirkad ku taalo dalka Shiinaha.

Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa ku warantay in shilkaasi uu ka dhacay shirkadda Tianjiayi oo ku taalla magaalada Yancheng ee dalka Shiinaha.

Qaraxan ayaa dabo socday dab ka kacay warshadan oo samaysa waxyaabaha bacriminta loo adeegsado.

Waaxda dhulgariirka qaabilsan ee dalka Shiinaha ayaa ku warrantay in dhulku uu gariiray 2.2 marka uu qaraxu dhacay.

Sawirro laga soo qaaday goobtaasi ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareeray, dad dhaawac ah iyo dhismayaal ay waxyeello soo gaartay.

Puntland Post