Dadka u tartamaya golayaasha degaanka Puntland oo lagu xiray in ay dhaqaale ku filan haystaan

Wasiir Dhabancad

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa shaacisay, shuruudaha laga doonayo cid kasta oo u sharraxan, xubinnimada golayaasha degaanka degmooyinka Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu soo bandhigay, shuruudo ka kooban 15 qodob oo laga rabo, qofka u tartamaya xildhibaannada golayaasha degaanka Puntland.

Shuruudaha waxa ku xusan; in qofka u tartamaya xubinnimada golaha degaanka, uu dhaqaale ahaan ka maarmi karo hantida dowladda iyo in beelaha 2 xubnood iyo ka badan leh, ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee xulista xildhibaannada degaanka.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar