Wejiga saddexaad ee mashruuca Waxbarashadu waa Iftiin oo Garoowe laga daah-furay

Wejiga saddexaad ee mashruuca “Waxbarashadu waa iftiin” oo ay ku baxayso lacag dhan $7.2 malyan oo Euro, ayaa maanta laga daah-furay magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Mashruuca oo lagu horumarinayo Waxbarashada degaannada Puntland, ayaa waxaa doorkan Puntland ka taageeray hay’adaha Care International iyo Save the Children oo bah-wadaag la’ ah wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland.

Daah-furka mashuurcani, waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahgi maxamed, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mr. Pencho Garndo Ruiz, Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, mas’uuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare, xubno  ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, hay’addaha shaqo wadaagta la’ ah wasaaradda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Faarax oo ugu horrayn munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucan uu soo bilowday sannadkii 2012, islamarkaana uu yahay mashruucii ugu faa’ida badnaa degaannada Puntland ee dhanka waxbarashada, maadaama sida uu sheegay laga dhisay ilaa 8 xarumood oo waxbarashada loogu adeego. Sidoo kale wuxuu sheegay in wejiga saddexaad ee mashruucan oo maanta la daah-furay looga faa’idayn doono degmooyinka Puntland ee uusan horay u gaarin mashruuca.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada Puntland, Mukhtaar Maxamud xasan (jeeyte) ayaa dhankiisa sheegay in wasaaraddu ballan qaadayso , fulinta iyo hoggaaminta mashruucan si uu taabba-gel u noqdo, loogana faa’ideeyo meelaha loo qorsheeyay.

Wasiirka Waxbarashada dowladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa isna munaasabadda ka sheegay in wejiga saddexaad ee mashruucan “Waxbarashadu waa iftiin” ee maanta la daah-furay loo qorsheeyay in uu dhiso 84 fasal oo cusub, islamarkaana tababaro in ka badan 200 oo maccallin, halka deeq waxbarasho oo gudaha dalka ah la siin doono 670 arday.

Dhammaan mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda daah-furka mashruuca ayaa bogaadiyay, waxaana ay raja’wanaagsan ka muujiyeen in sida loo qorsheeyay looga faa’idaysto wejiga saddexaad ee mashruucan ballaaran ee lagu horumarinayo waxbarashada Puntland.

Ugu Dambeyntii, madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo mashruuca daah-furay ayaa  ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda waxbarashada Puntland, gaar ahaan manhajka iyo tayaynta xarumaha waxbarasho ee dalka, waxaana uu si weyn u bogaadiyay mashruuca, isagoo u mahadceliyay hay’adaha sida hagar la’aanta ah u taageeray.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka waxbarashada ka shaqeeya, in ahmiyad gaar ah la siiyo sidii ardayda Puntland looga dhisi lahaa dhinaca xirfadaha gacanta iyo wacyi-gelinta la xiriirta shaqooyinka gacanta laga qabto,si ay dhinac walba uga dhisnaadan.

PUNTLAND POST