Puntland: Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo loo diray ciidamo gadooday

Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo maalintii Sabtida ka soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen degaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa hadda lagu qanciyay in ay ku laabtan saldhigyadooda sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan.

Ciidamada oo ka kooban Booliis iyo Daraawiish ayaa la sheegayaa in ay ka gadoodeen daryeel-xumo iyo mushahar la’aan is-biirsaday oo in mudda ah haysatay sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen saraakiil diiday in magacyadooda la xigto.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan oo shalay gaaray degaanka Jimbac ee ay ku sugan yihiin ciidamadii gadooday ayaa ku qanciyay in ay ku laabtan fariisimahooda buuraleyda Galgala wuxuuna u ballan qaaday in ay heli doonaan dhammaan xuquuqda ka maqan sida ay xaqiijiyeen ilo’ xog-ogaal ah.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa dhankooda wasiirka u sheegay in ay ku laaban doonan fariisimahoodii inkastoo hadda ay weli joogan degaanka Jimbac oo dhanka bari ka xiga tuulada Afurur ee isla gobolka Bari.

Fariisimo ay Sabtidii soo banneeyeen ciidankan oo ku yaalla buuraleyda Galgala ayaa waxa markiiba la wareegay cutubyo ka tirsan ciidamada PMPF iyo PSF ee Puntland.

PUNTLAND POST