Al-shabaab isaga cararay buuralyeda Qandala

Wararka ka imaanayaa gobolka Bari ayaa sheegaya in malayshiyaadka Al-shabaab ay shalay ka carareen saldhigyo ay ku lahaayeen buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari.

Malayshiyaadka ayaa la sheegayaa in ay shalay isaga baxeen halka lagu magacaabo “Iliilaha daboolan” oo ka tirsan buuraleyda degmada Qandala halkaasi oo todobaad ka hor dagaal qaraar ku dhexmaray kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.

Inkastoo aysan jirin cid xog sugan ka heshay dagaalka todobaad ka hor dhexmaray Al-shabaab iyo Daacish haddana warar mar dambe soo baxay ayaa sheegaya in kooxda Shabaab lagu jebiyay dagaalka taasoo keentay in ay dib ugu laabtan halkii ay ka soo duuleen ee Cal-madow.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Puntland ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in Al-shabaab looga adkaaday dagaalkii buuraleyda Qandala islamarkaana ay Daacish qabsatay dhulkii ay isku haysteen labada kooxood.

Saraakiisha ayaa intaas ku daray in labada malayshiyaad uu khasaare ba’an kala gaaray dagaalkii todobaad ka hor dhacay waxaana ay sheegeen in sida ay xogta ku heleen Al-shabaab maxaabiis ahaan looga qabtay ilaa 15 dagaallame.

Al-shabaab ayaan dhankooda weli wax war ah ka soo saarin sababta ay uga baxeen buuraleyda Qandala.

PUNTLAND POST