Muhaajiriin horleh oo ku soo burqaday Puntland

Iyadoo uu socdo qorshaha dalkooda dib loogu celinayo Soogalootiga Ethiopian-ka ah ee ku sugan gudaha Puntland ayaa dhanka kale waxaa si xawli ah ku socda muhaajiriinta Oromada u badan ee ku soo qol-qolaya Puntland.

Muhaajiriinta Ethiopian-ka oo socod dheer ku sii mara jidka laamiga ah ee u dhexeeya magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa la sheegayaa in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay mar kale buuxiyeen qeyba kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Dad lagu qiyaasay 300 oo muhaajiriin u badan qowmiyadda Oromada ayaa sabtidii shalay iyo maanta oo Axad ah gaaray magaalada Boosaaso sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga gobolka Bari.

Muhaajiriin kale oo aan qiyaas sugan laga hayn ayaa iyagana la sheegaya in weli ay sii qol-qolayaan laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso.

Qaar kamid ah dadkaasi ayaa u sii gudba dhinaca dalalka Carabta gaar ahaanna waddanka Yemen iyo boqortooyada Sacuudi Carabiya halka qaar kalena ku negaadan gudaha Boosaaso.

Puntland ayaa todobaadyadii u dambeeyay dalkooda ku celisay soogalooti Ethiopian ah oo u badan qowmiyadda Oromada kuwaasoo qaarkood iskood u go’aansaday in ay laabtan sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.