Madaxweyne Geelle oo maanta la hadlaya Xubnaha Labada Gole ee Baarlamaanka

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geellle ayaa maanta khudbad u jeedinaya xubnaha labada gole ee baaralamaanka DF, iyadoo inta badan waddooyinka caasimadda la xiray.

Waddo xirnaashaha Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa maalintii labaad oo isku xirta, iyadoo la ogol-yahay oo keliya inay shacabku lugtooda maalaan, maadaama aan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaar loo leeyahay aan loo ogolayn inay waddooyinka qaarkood maraan.

Kulankan oo ah mid deg-deg ah ayaa waxaa la iclaamiyay qabashadiisa xalay, waxaana xildhibaananda labada aqal lagu wargeliyay inay kasoo qayb-galaan kulanka uu khudbadda ka jeedinayo madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Xildhibaannada labada aqal ayaa waxay dhageysan doonaan hadallada uu u jeedinayo Geelle oo la sheegay inay yihiin kuwo u badan guubaabo iyo inuu u bidhaamiyo xildhibaannada gudashada waajibka ka saaran dalkooda iyo dadkooda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa in maanta ay xarigga ka jaraan dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti ay ku yeelanayso Muqdisho, iyadoo sidoo kale munaasabaddan ay goob-joogayaal ka noqon doonaan madaxda Soomaalida.

Sidoo kale, Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa lagu qabanayaan xarunta Iskoolka Booliiska ee Muqdisho, waxaana waddooyinka xaruntaas soo gala xiray ciidammo gaar ah oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Booqashada Geelle oo aan ahayn middii ugu horreysay ee uu ku yimaado Soomaaliya ayaa waxay haddana tani kaga duwan tahay kuwii hore isagoo xarigga ka jaraya dhismaha safaaradda Jabuuti ee Muqdisho.

PUNTLAND POST