Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle oo Muqdisho imanaya

Madaxweynaha dowlada Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta lagu wadaa in uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa in uu daahfuro xarunta dhismaha cusub ee safaarada Jabuuti Muqdisho.

Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la sii xiray wadooyinka ee Muqdisho subaxdii hore ee saaka.

Sidoo kale madaxweyne Ismaaciil cumar Gelle ayaa lagu wadaa in uu isla maanta uu aado Baladweyne oo ciidamo ka socda wadankiisa ay joogaan.

Puntland Post, Muqdisho office