Sidee u dhacay isku aadka Siddeeda koobka kooxaha Yurub?

Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa maanta oo Jamce ah ka dhacay qori tuurka isku aadka siddeed dhamaadka (Quarter-finals) tartanka kooxaha Yurub ee Champions League-ga.

Isku aadka siddeed dhamaadka tartankan xiisaha iyo xamaasada badan waxaa ka soo baxay kulamo adag, waxaana isku aaday labo kamid ah afartii kooxood ee ka socday horyaalka Ingiriiska.

Barcelona ayaa siddeed dhamaadka tartankan ku aaday Manchester United oo ay laba jeer ka qaaday koobkan 2009 iyo 2011, halka Juventus ay wajahday Ajax oo koobkan ay ka qaaday 1996, sidoo kale waxaa markii ugu horeysay taariikhda tartanka isku aaday labada kooxood ee reer Ingiriis Manchester City iyo Tottenham, halka Liverpool ay nasiib u yeelatay in ay ku aado FC Porto.

Kulamadan ayaa lugta hore la ciyaari doonaa 9 iyo 10 bisha soo socota ee April, halka lugta labaadna la ciyaari doono 16 iyo 17 isla bishaas.

Sidoo kale kooxahan ayaa afar dhamaadka (Semi-fenals) tartankan isugu aadi doona sidan.

Barcelona iyo Manchester United tii soo baxda waxay ku aadi doona afar dhamaadka tii soo baxda Liverpool iyo Porto, halka Juventus iyo Ajax tii soo baxda ay ku aadi doonto tii soo baxda Manchester City iyo Tottenham.

Kulamada afar dhamaadka ayaa lugta hore la ciyaari doonaa 30 April iyo 1 May, halka lugta labaadna la ciyaari doono 7 iyo 8 May 2019.

Kama dambeysta tartankan ayaa sida qorshuhu yahay la ciyaari doonaa 1 June, wuxuuna ka dhici doonaa Estadio Metropolitano, Madrid.

PUNTLAND POST