Ingiriiska oo wacdaro ka dhigay koobka kooxaha Yurub

Kooxaha u soo baxay Champions league-ga.

Kooxaha reer Ingiriis ee Liverpool, Manchester United, Manchester City iyo Tottenham ayaa u soo baxay wareega siddeed dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga.

Waxaa tartankan ku weheliya kooxaha reer Ingiriis afarta kooxood ee kala ah Barcelona oo Isbaanash ah, Juventus oo Talyaani ah, Ajax oo Holland ah iyo FC Porto oo Burtiqiis ah.

Kooxda Liverpool ayaa caawa kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka cashar u dhigtay Bayern Munch oo marti loogu ahaa garoonkeeda Allianz Arona, kadib markii ay 3-1 ugu awaad sheegatay.

Sadio Mane ayaa labo kamid ah dhaliyay goolasha Liverpool, sidoo kale Virgil Van Dijk ayaa goolka kale ku muujiyay doorkiisii aan la ilaawin karin ee uu Liverpool ku yeeshay, halka Bayern heshay gool kaliya oo uu Matip iska dhaliyay.

Liverpool 3 Bayern 1

Kooxda Liverpool oo kamid ah kooxaha aadka looga cabsado marka la joogo Champions League-ga ayaa sanadkii hore tagtay kama dambeys, inkastoo aysan ku guuleysan.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa lugta labaad wareega 16-ka ee tartanka caawa garoonkeeda Camp Nou ku xasuuqday kooxda reer Faransiis ee Lyon, kadib markii ay 5-1 ugu awood sheegatay.

Lionel Messi ayaa labo kamid ah goolasha Barcelona dhaliyay, halka Coutinho, Ousmane Dembele iyo Gerard Pique ay min hal gool dhaliyeen.

Weeraryahanada Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa sanadkii 12-aad oo xiriir ah soo gaartay wareega siddeed dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga.

Siddeeda koox ee u soo baxay wareega siddeed dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga ayaa 15 bishan Maarso maalinta Jamcaha loo sameyn doonaa isku aad.

PUNTLAND POST