Qaraxyo khaaare geystay oo Maanta ka dhacay Deegaan ka tirsan Gobolka Bay

Baydhabo (PP) ─ Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay 40 ruux oo kalena way ku dhaawcmeen qaraxyo ka dhacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla deegaanka Goof-guduud oo qiyaasti 30-km u jirta Baydhabo oo ah xarunta mamulka Koonfur-galbeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Al-shabaab, isla markaana ay ahaayeen kuwo lagu aasay dhulka, iyadoo weerarkan uu dhacay xilli uu suuqaas ka jiray mashquul.

Afhayeenka maamulka Koonfur-galbeed, Nuuradiin Gacmo ayaa u sheegay wabaahinta in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan oo dad shacab ah lagu diay, isagoo mas’uuliyadda weerarkan dusha uga tuuray Al-shabaab.

“Shan qof oo shacba ah ayaa ku dhintay qaraxyada, waxaana dhaawacyo ay kasoo gaareen 40-qof oo kale, waxaana weerarkan loo adeegsaday miinooyin lagu aasay dhulka oo illaa fara miino ahaa,” ayuu yiri Afhayeenka oo intaas ku daray in dadka waxyeelladu ay soo gaartay ay dhammaantood ahaayeen shacab.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa sheegay in suuqan uu yahay suuq ay maalin walba oo Arbaco ah isugu yimaadaan ganacsatada xoolaha ee gobolka Bay, isagoo xusay in dhibaateynta shacabka ay ku hayso Al-shabaab ay qayb ka tahay weerarkan lagu dilay dadka badan ee shacabka ah.

Nabaddoon Cabdi Maxamed Isaaq oo isna la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarkaan uu ka mid yahay weerarada ay kooxaha nabad-diidka ah ay sida bareerka ah ula beegsadaan shacabka, isagoo maamulka Koonfur-galbeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sugidda amniga shacabka deegaannada uu ka taliyo Koonfur-galbeed ku nool.

Ugu dambeyn, Xilliyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaannada Koonfur-galbeed ka jiray falal amni-darro ah, iyadoo maamulka cusub loogu baaqay inay ka shaqeeyaan ka hor-tagga weerarrada lagu dhibaateynayo shacabka ku nool deegaannadooda.

PUNTLAND POST