Faahfaahin: Dagaal ka dhacay Gaalkacyo

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo kaashanaya waxgaradka iyo nabaddoonada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa kala dhex galay malayshiyaad hubaysan oo saaka ku dagaallamay aga’gaarka xabsiga weyn ee Gaalkacyo.

Malayshiyaadka oo hab-beeleed u abaabulan ayaa ku dagaallamay bogcado la isku’ khilaafay oo ku yaalla dhul-bannaan oo dhanka waqooyi galbeed kaga beegan xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Puntland Col. Cismaan Xassan Cowke (Afdalow) oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo laamaha amniga oo kaashanaya waxgaradka iyo nabaddoonada Gaalkacyo ay ku guulaysteen in la joojiyo dagaalka kadib markii ay kala dhex galeen malayshiyaaadkii dagaallamay.

Sidoo kale taliyaha ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa 3 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaallamay halka 5 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen isagoo ka afeeftay in khasaaruhu intaa ka badan karo maadaama sida uu sheegay laga yaabo in ay jiraan dad isbitaallada loola cararay ka hor intaan mas’uuliyiintu halkaaasi gaarin.

Sawirrada mas’uuliyiin iyo waxgarad gaaray halkii lagu dagaallamay

PUNTLAND POST