Xaruntii Ciidamada Badda iyo gurigii Taliyaha Badda oo dib ugu soo laabtay gacanta DFS

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa soo saaray wareegto ku aaddan xaruntii ciidamada Badda Somaila ee degmada CabdulCasiis ee Muqdisho iyo gurigii taliyaha ciidamada badda

Inj. Yariisow ayaa markii uu arkay dastuurka Somalia, shariciga maamulka gobollada iyo degmooyinka, Sharciga maamulka dhulka iyo dhismaha ee Gobolka Banaadir, isla markaaba uu hubsaday inay lagama maarmaan ay tahay in Dib u hagaajin lagu sameeyo Qorshaha Guud (Master Plan) ee caasimadda, arkayna baahida deg-dega ah ee loo qabo in safaaradaha loo asteeyo goob ku habboon.

Waxuu soo saaray Xeerkan:

Waxaa cid allaale iyo ciddii ay khuseyso lagu wargelinayaa in Xaruntii Ciidamada Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda iyo dhulka dhanka danbe uga beegan illaa Xeebta Badda loo asteeyey goob ama deegaan diblomaasi ah, dhulkaas oo ahaa Dhul Dowladeed oo Dan Guud loogu talo galay.

Qorshahan ayaa ujeedadiisu tahay in Safaaradaha iyo Hay’adaha Caalamiga ee dalka ka howlgala loo helo goobo ku habboon iyo in dib loo soo celiyo bilicdii Caasimada Muqdisho oo ah xarunta ay diblomaasiyiinta uga howlgalaan Dalka.

Waxaa Xeerkan lagula wareegay ama dib loogala noqday dadka dokumentiyada u heysta dhulkan, maadaama dhulkaas uu ahaa dhul Dan Guud ah;

Sidoo kale waxaan Hay’adaha Dowladda Federaalka ku wargelinayaa inay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan ama siiyaan fasax dhismo, maadaama cidda kaliya ee maamul ahaan ay Dowladdu u wakiilatay ay tahay Dowladda Hoose ee Xamar.

Waxaan ognahay in Taliyeyaashii Ciidamada Qalabka sida qaarkood ay goobtaas ka dhisteen guryo dabaqyo ah oo ay dantooda kaliya ka fikireen, halkii ay danta shacabka ka fikiri lahaayeen, waana inay u hoggaansamaan go’aankan si danguud ahaan loogu isticmaalo goobtaas. Yaa u maqan shacabka haddii ay mas’uuliyiintu ka fikiraan danahooda gaarka ah.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho Inj. C/raxmaan Yarisow ayaa ciddii amarkan jabisa ama u hoggaansami weysa sheegay in laga qaadi dona tallaabo sharci ah.

PUNTLAND POST