Wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland oo qabatay shir ku saabsan xeerka qandaraasyada Puntland

Wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta dowladda Puntland ayaa Isniinta maanta Garoowe ku qabatay shir ku saabsan xeerka Qandaraasyada Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda wasaaradda oo uu ugu horreeyo wasiirka, mas’uuliyiinta wasaaradda ee gobolada, xubno ka socday Qandaraasleeyda Puntland, sharci-yaqaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana loo soo bandhigay xeerka si ay ugu biiriyaan afkaarta iyo talooyinka ay ka qabaan islamarkaana dib u-habayn lagu sameeyo meelaha la’dhaliinsanyahay.

Agaasimaha wasaaradda hawlaha guud ee Puntland, Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud ayaa shirka ka sheegay in xeerkan cusub markii uu soo baxo kala nidaamin doono dhammaan heerarka kala duwan ee shirkadaha qaabilsan dhismayaasha,wuxuuna ka-qeyb galayaasha codsaday in ay soo gudbiyaan ra’yigooda ku aaddan qodoba uu ka koobanyahay xeerka.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Puntland Axmed Bashiir Muuse oo shirka furay ayaa dhankiisa ka qeyb galayaasha ku boorriyay in ay si wanaagsan u akhriyaan xeerka oo ka doodan qodobada ay dhaliilsanyihiin si loo saxo ka hor inta uusan soo bixin.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xeerkan markii uu soo baxo golaha wasiirada la horgeyn doono kadibna Baarlamanka loo gudbin doono si ay u meel-mariyaan.

PUNTLAND POST