Mid ka mid ah Madaxda Ciidamada AMISOM oo ku geeriyooday shilkii Diyaaradeed ee Itoobiya

Kampala (PP) ─ XukuumaddaUganda ayaa xaqiijisay maanta dhimashada taliye ku xigeenkii booliska AMISOM eek a hawlgala Somalia, Christine Alalo taasoo ka mid ahayd rakaabkii la socday diyaaradda Ethiopian Airlines ee ku bur-burtay gudaha dalka Itoobiya.

Inkstoo Taliska booliiska Uganda uu xalay beeniyay warkan oo markii ugu horreysay lagu shaaciyay baraha bulshadu ay ku xiriirto, ayaa haddana mar dambe waxaa taliska booliiska Uganda uu xaqiijiyay geerida Christine Alalo.

Sidoo kale, Christine Alalo ayaa waxay ahayd taliye ku xigeenka ciidammada booliiska AMISOM ee ka socda dalal dhawr ah, kuwaasoo ciidamada booliiska Somalia gacan ka siiya dhanka tababarrad iyo qalabeynta.

Dhanka kale, Afhayeenka booliiska Uganda, Fred Enanga ayaa wuxuu xalay beeniyay geerida gabadhaas, balse wuxuu xaqiijiyay Isniinta maanta ah inay ku geeriyootay shlka diyaaradeed.

Rakaabkii la socday diyaaradda Itoobiya laga leeyahay oo safarkeedu ahaa Addis Ababa iyo Nairobi oo ah xarumaha Kenya iyo Itoobiya ayaa dhamaan la sheegay inay ku geeriyoodeen, kuwaasoo tiradoodu ahayd 149 qof oo ah rakaab iyo sideed shaqaalihii diyaaradda ahaa.

Soomaalidii ku dhintay shilkan diyaaradeed ayaa tiradooda lagu sheegay in ay dhan tahay sagaal qof oo dhammaantood watay baasaboorro ajnabi ah marka laga reebo mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska RW Khayre oo isagu watay baasaboorka Soomaaliga.

Ugu dambeyn, Shilkan diyaaradeed ayaa waxaa kaloo ku geeriyooday qaar ka mid ah hay’adaha QM ee fadhigeedo yahay Nairobi, kuwaasoo qaarkood ay u dhasheen dalka Kenya oo ahaa dalkii ay tiradii ugu baydn ku waayay shilkaas diyaaradeed.

PUNTLAND POST