Madaxweynaha Jubbaland oo ka War-bixiyay Socdaalka RW Khayre uu ku tagay Kismaayo

Kismaayo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana soo dhaweeyay shacab fara badan, iyadoo madaxweyne Madoobe iyo xubno kale oo dowladdiisa ka tirsan ay soo dhaweeyeen RW Khayre iyo wafidiisa.

Axmed Maxamed Islaam ayaa shaaca ka qaaday sababta rasmiga ah ee ka dambeysa socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo xubno la socday ay ku tageen maanta magaalada Kismaayo.

Socdaalka waxay kusoo aadeysaa xilli la saluugsanaa xiriirka ay madaxda Jubbaland la leeyahiin dowladda Federaalka, hadana Axmed Madoobe wuxuu sheegay iney ku faraxsan yahiin imaatinka mas’uuliyiintii timid.

Madaxweynaha wuxuu shaaca ka qaaday iney wadahadalo dhici doonaan isla markaana uu maamulkiisa la yeelan doono masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda ee booqashada ku jooga magaalada Kismaayo.

Xubnaha booqday Kismaayo iyo maamulka Jubbaland ayaa dadweynaha kula hadlay bartamaha magaalada Kismaayo, wuxuuna madaxweynaha Jubbaland sheegay iney tahay guul weyn oo muujineysa nabadgalyada iyo dowladnimada iney dad sidaas u badan isugu soo baxaan soo dhaweynta madaxdooda isla markaana si dhaga nuglaan ah ku dhageystaan.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Was aare Kheyre wuxuu sifo wanaagsan u yahay xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka la saluugsanaa ee Jubbaland.

PUNTLAND POST