Wararka ka imaanaya degmada Yubbe ee koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi ay Isniinta maanta ah saldhig ka samaysteen cutubyo ka tirsan ciidamada militariga Somaliland.
Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Yubbe ayaa soo sheegaya in dooxa Nayla-laaye ee naxaawiga degmada Yubbe ay soo gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo wata ilaa 30 tekniko ah islamarkaana ay halkaasi saldhig ciidan ka samaysteen.
Ciidamada oo Axaddii shalay ka soo baxay dhinaca magaalada Ceerigaabo ayaa doonaya in ay isku fidiyaan dhammaanba degaannada ku yaalla koonfurta iyo bariga gobolka Sanaag si ay uga hortagaan weerarro Somaliland uga yimaada dhanka Jabhadda Caarre ee ku sugan aga’gaarka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida laga soo xigtay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadaasi.
Dowladda Puntland ayaan dhankeeda weli jawaab ka bixin saldhiga ciidamada Somaliland ay ka samaysteen degmada Yubbe oo 15-kii November 2018 ay Puntland u magacowday degmo ahaan.
PUNTLAND POST