Wasiirkii Arrimaha Dastuurka DF oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qayb-galay AaS Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay wasiirkii dastuurka DF C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Marxuumka oo maalin ka hor ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa maanta maydkiisa la keenay Muqdisho, iyadoo gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho lagula tukaday salaaddii Janaasada, taasoo goobjoog ay ka ahaayeen qaar ka mid ah culummada Soomaaliyeed, kuwaasoo uu ka mid ahaa Sheekh Maxamed Ibraahim Keynyaawi oo Soomaaliya ku sugnaa xilliyadii ugu dambeeyay.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo aaska ka hadlay ayaa sheegay in marxuumka uu tusaale u ahaa la dagaalanka musuqmaasuqa iyo sidoo kale inuu u ahaa hormuud in dalkan uu ka baxo colaadaha uuna u gudbo dowladnimo loo dhan yahay.

“Wuxuu marxuumku tusaale u ahaa sidii wadanku uu ku gaari lahaa heerka dowladnimada, waxaana uu ahaa shaqsiyaadka sida weyn uga soo horjeeda musuq-maasuqa, runtiina waa mid aan ku ammaanayo,” ayuu yiri Khayre.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in wasiirka uu hadda ka hor u soo diray khudbad madaxweyne Mareykan ah oo hadalaya, taasoo erayadii ku jiray ka mid ahaa buu yiri in meel walba oo aad tagto aadan noqonayn dadka ku nool, balse uu waddankaagu ku huran yahay marka ugu dambeysa.

Dhanka kale, Aaska marxuumka ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay xubno ka tirsan baarlamaanka iyo culummada, waxaana ay sheegeen wixii ay ka yaqaaneen marxuumka geeriyooday oo ay sheegeen inuu dadaal weyn uug jiray sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka dalka.

Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa waxaa aaskiisa ka qayb-galay xubno ka mid ah ehelladiisa, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar, waxaana marxuumka uu ka mid ahaa wasiirradii ugu firfircoonaan xukuumadda hadda jirta.

PUNTLAND POST